Welcome to Kismaayo cadey

. .#1 News in Jubaland
Home     Contact Us     Sports     Labo will oo laa riray di      
 
                    Wiil loo haysto Dilkii Minneapolis ka dhacay oo booliisku xireen
      
                              Somali                               Oromo                            Somali     
                                                              
                            Mahad warfa                    Anwar Mohamed                 Osman Elmi          
 
 
                                    Sawiradani waa Marxuumiintii lagu dilay Minneapolis
 
 
 
 
Minneapolis,Mn
Wiil 17 jir ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa kuwii dhowaan dilka ka geestay magaalada Minneapolis ayaa maanta Booliiska magaalada xabsiga dhigeen. Taliyaha ciidamada Booliiska
magaalada Minneapolis ayaa mar uu la hadlayay warbaahinta u sheegay in ay wiilkani soomaliga ah
ay u haystaan inuu wax ka og yahay kuwii dilay sedexdii marxuum ee lagu dilay dukaanka hilib xalaalka dhexdiisa ku waasoo kala ahaa labo soomali ah iyo mid oromo ah
 
1 ) Mohamed Warfa
2) Osman Elmi
3) Anwar Mohamed
 
Taliyaha booliisku wuxuu intaa ku daray inay wali kuwa kale sooxiri doonaan oo ay ilaa iyo hada ku dabo jiraan, lakiin taliyaha booliiska wuu ka gaabsaday inuu soo bandhigo magaca iyo sawirka wiilka ay xireen wuxuuna yiri markaan dhamayno baarista ayaan soo sheegi doonaa.
 
Taliyahu waxuu aad ugu mahad celiyay sida ay dadka Soomaalida ula shaqeeyeen isagoo sheegay in telefoono badan iyo aqbaaro badan ay ka heleen dadka soomaalida ah ee degan labada magaalo Minneapolis St-paul.
 
Booliiska ayaa haya caday kadib markii ay fiirsadeen fiidiyihii ay kamirooyinka dukaanka duubeen. Dukaankaasi ayaa waxaa ku xirnayd  9 kamiro oo si nadiif ah wax u duubay. Booliisku waxaa kale oo ay  caawinaad ka heleen ciidamada sirdoonka,Booliiska kale ee magaalooyinka udhow Minneapolis iyo kuwa loo yaqaan US Marshal.
 
Sida la sheegayo ciidamada booliska Minneapolis qaybta u qaailsabsan wax baarista ayaa la sheegay in aysan seexan oo aynan harsan ilaa intii uu dilka dhacay.
 
 
Kismaayo cadey news
Mpls MN 01/9/10